

Aniga oo ah C/salaam Maxamed Xirsi oo loo Yaqaano Ina Caara-dhuub kuna faraxsan guusha Somaliland u soo hoyatay ayaan jeclaystay inaan ka hadlo isdiidooyin iyo tabbo loo bartay oo maanta aan soconayn ummadeenuna aanay u baahnayn codkeedana ay geed iyo gole kaga sheekaysay intii camaradaha ka muuqan jirtayna laga yaabaa in ay kaga cadhaysiiso, marka hore madaxwaynuhu ha ogaado hawl wadeenada xisbigee dhabta ah inaanay ahayn inta isaga u timaada ee ay yihiin,
labadaba qaar u
taga iyo kuwo aan u tegin laakin wuxuu galo iyo wuxuu guddo yaqaana sidaana codka ku siiyey, dadwaynuhu waxay codsadeen gudiduna soo saartay barmaamushka xisbiguna qorayaa anaguna aanu codka ku bixinay in la sameeyo dawlad kooban oo tayo leh mana aha in maalintiina la yidhaahdo madaxwayne dawlad kooban dhis habeenkii goyaal la hagoogto oo la yidhaahdo reerkayaga wax soo sii ama hebel wax soo sii taasi waxay noqonaysaa afka iyo uurkoo kala leexsan.
Hadaba waxaa jiri jiray nin leh boqol sac iyo caruur badan dabadeed waxa dhacay abaar aad u ba’an lodiibaa waxa soo hadhay tobankii sac ee gabadhiisu ugu jeclayd xaga caanaha, adkaysiga, quruxda iyo laxiibnimada caruurtiibaa markay laba habeen qatanayd ayuu is yidhi tobanka sac mid uga qal kii uu is yidhaahdo qalba intay mindida ku dhegto ayay qaylo iyo sawaxan ka toshaa oo tidhaahdaa ma hebel baad bir u quudhaysaa sheekadii markii ay caruurtaan wax u qalayaa iyo ma hebel baad bir u quudhaysaa laysku cel celiyey ayuu yidhi naa anaa garanaya “Seeftaydaa ayaan xereda ku tuurayaa ee tay ku dhacdo ayaan caruurta u qalayaa” dabadeedna waxay ku dhacday Sarbiye oo aanay mid ka sita soo godlin dabadeedna waxay tidhi “alla sarbiyey ku dhacday” wuxuu yidhi “Naa markaan seefta xereda ku tuuray ayaan Sarbiye meel iska dhigay”
Waxaan arintaa uga jeedaa madaxwayne markii shacabkii iyo gudidii farsamo ay isku raaceen in dawlad kooban oo tayo leh la dhiso ayay noqotay in hebel iyo reer hebel meel la iska dhigo sidii ninkaasiba Sarbiye meel isaga dhigay.
Adigana waxaan kaa codsanaynaa inaad noo tixgeliso codka gudiga, codka hawl wadeenada dhabta ah iyo codka shacabka oo u baahan adeeg, horumar, ictiraaf, cadaalad, magac iyo maamuus waan kaa rajaynayaa inaad guul ummada u soo hoyso adna aad la hoyoto hadaad nooshahay iyo hadaad dhimataba lib ay kuu qiraan oo hadal hayaan aad mutaysanayso (Dumaal nin ka xishooday kama ilma dhalo).
Intaas baan ku soo gebagebaynayaa afkaartayda.
Abwaan: C/salaan Maxamed Xirsi (Caara-dhuub)
