Salaan dhammanba bahda saaxil.net bacda salaan waxaan aad uga cabanayaa talada ku aaddan 100ka maalmood ee u horreeya xukuumada cusub. taas oo ay ku taliyeen sida soo socota, oo ah sedan hoos ku xusan .
1. in la tirtiro guddida nabadgelyada ah ee sida sharcidarrada ah dadka u xukunta,
2. in labada toddobaad ee u horreeya dawlada cusubi bixiso dhamamanba mushaharooyinka ay shaqaalaha dawlada iyo ciidammadu lahayeen.
3. in saddexda bilood ee u horreeya lagu dhamaystiro dhismaha biriijka labaad ee caasimada Hargeysa oo qabyo ahaa muddo ka badan afar sanno,
4. in la dhiso afar killomitir oo ka mid ah waddada isku xidha magaalooyinka Boorama iyo Dilla,
5. in dib-u-habayn lagu sameeyo nidaamka cashuuraha dalka,
6. in degdeg loo hawlgeliyo guddida musuqmaasuqa,
7. in la hirgeliyo figradii ku salaysnayd iskaa wax-u-qabso ee dadku kaga qaybqaadanayaan dhismaha dalka,
8. in olole nadaafadeed laga hirgeliyo magalooyinka dalka, etc.
intaas markaan kaga baxo talada guddida ixtiraamka mudan
waxaannu ka filaynay wax ka daran wax yaabaha ay kasoo taliyeen sida gaar ahaan danyarta harraadan, ee gobolada iyo degmooyinka ku kala daadsan, kuwaas oo aanu is lahayn waxay ku soo talin doonaan in xaaffadaha danyarta loo iisbsho taangiyo caaga, ka bacdina booyado biyoood loo shaqaaleeyo si maalin walba dadkaas danyarta ahi biyo u helaan inta dalka oo dhan biyo looga helaayo, siiba magaalada hargeisa.
Waxaan kale oo ka fekerayay aniga oo ka duulaya xaaladda danyarta reer Somaliland in cashuurta maceeshadda la dhimo si aannu u hello nolol ka jaban ta hadda jirta. Siiba cashuurta oo bariiska laga wada daayo haddaan laga wada dayn karayn dhammaanba quutal daruuriga.
Haddii kale sidee ayaa la rabaa in nalooga rogo doonta tahriibta ee aannu hore usaarayn ?
Waxaan halkan ka caddaynayaa inaanan kasoo horjeedin dhammanba waxyaabaha ay kusoo taliyeen lakiin nalooga daran yahay oo keliya.
By:-
Osman guhad
Kampala
osmanguhad@hotmail.com