Unugga Wadaniyada Somaliland Oo Xalay Qabtay Dood Ballaadhan
Oo Lagu Faaqidayay Doorka Dhalinyarada Ee Horumarinta Wadaniyadda



Hargeysa: Dood si weyn lagu falanqaynayay wax-tarka waddaniyada iyo doorka ay dhalinyaradu ka qaadan karto horumarka waddaniyada Somaliland, ayaa xalay lagu qabtay Hotel Emperial ee magaalada Hargeysa.

Madal-doodeeddaas oo ay soo qaban-qaabiyeen Unugga Wadaniyada Somaliland oo ah Unug ay asaaseen qaar ka mida ardayda Jaamacadaha ka qalin-jebisay iyo kuwo dhigtaba, ayaa waxa ka soo qayb-galay Xildhibaano, xubno ka kala socday jaamacadaha kaladuwan ee dalka, suxufiyiin ka socday qaybaha kala duwan ee warbaahinta iyo Abwaano da’yar ah.

Doodan oo si weyn loogu qaadaa-dhigay sidii dhallinyarta loogu dhiiri gallin lahaa inay yihiin awooda kaydsan ee wadanku ku faanayo, isla mar ahaantaana u noqon lahaayeen kuwo wadankooda jecel oo diyaar u ah inay ka qayb-qaadaan dadaalada kala duwan ee la doonayo in lagu horumariyo heerka hab-dhaqanka waddaniyada ee Ummada reer Somaliland.

Markii ay doodu furantay, ayaa ka qayb-galayaashu waxay in cabbaar ah is-dul-taageen in qof kastaa uu soo ban-dhigo macnaha dhabta ah ee Waddaniyadu leedahay, iyada oo inta badan doodayaashu ay halkaas ku soo bandhigeen afkaar isku dhaw-dhaw. Waxanaa ay ka dhawaajiyeen in wadaniyadu tahay “darreen ay ku dheehantahay dal-jacayl, dad-jacayl iyo u-daacad-noqoshada dalkaaga iyo dadkaagaba, adigoo rumaysan kuna kalsoon in aad ku taagantay wadadii saxda ahayd, ayna tahay wixii ugu fiicnaa ee aad ku dhaqaaqi lahayd xiliggaas.”

Waxa kale oo ka qayb-galaasha doodu tibaaxeen in macnaha waddaniyadu tahay “in qofku garto xaqa uu waddankiisu ku leeyahay iyo ka isaga uu waddankiisu ku leeyahay. Yeelashada dareen nugul oo si toos ah ugu xidhan waddanka uu qofkaasi ku nool yahay ee qofku uu sheeganayo lahaanshihiisa.”

Sida oo kale Koox ka mid ahayd ka qayb-qaatayaasha dooda, ayaa iyagu aaminsanaa sidan “Waddaniyaddu waa dareen qoto-dheer oo qofka damiirkiisa ku dhaliya difaaca, daryeelka, horumarinta iyo u heellanaanta dhulka hooyo. Waana dhabbada ay ummadaha horumaray ku gaadheen il-baxnimada iyo badhaadhaha nololeed ee ay ku naaloonayaan.”

Waxa kale oo Madal-doodeeddaas la xidhiidhay waddaniyada lagu falanqeeyay; doorka ay dhalinyaradu ka qaadan karto horumarinta waddaniyada, iyada oo ka qayb-galayaashu ay halkaas ku soo bandhigeen fikiro kala duwan oo ay ka mid ayaaheen “In la sameeyo dhalinyardo tabliqiin ah [gaadhsiiyeyaal] oo dadka ku wacyi-geliya hab-dhaqanka waddaniyada, in dhalinyaru samayso kulanno iyo shirar kala duwan oo lagaga hadlayo horumarinta waddaniyada, in dhalinyaradu xooga saarto sidii ay uga hawl-geli lahayd in manhajka waxbarashada dalka lagu daro barashada waddaniyada [Civic Education], in dhalinyaradu aaminaan waddankooda oo aanay ka tahriibin kana dhoofin, in dhalinyaradu bartaan qaabka loo gudbiyo wacyi-gelinta waddaniyada.”

Qodobka kale ee halkaas lagaga dooday ayaa isaguna ahaa ‘Caqabadaha ka hor iman kara dhalinyada ku hawlan waddaniyada.’ Waxa la soo jeediyey inay ka hor imana karaan caqabado kala gedisan oo ay ka mid yihiin “Faham la’aanta aanay in badan oo bulshada ka mid ahi fahamsanayn waxa a tahay waddaniyadu. Dagaalka lala gelayo maskaxaha duguubay ee ka madhan hab-dhaqanka waddaniyada. Siyaabaha loo gudbinayo barnaamijyada wacyi-gelinta ah ee la xidhiidha waddaniyada, iyo arrimo kale.”

Ugu dambayntii waxa madal-doodeeddaas soo gabagabeeyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, oo halkaas soo jeediyey hada- dheer oo xigmad iyo waano isugu jiray, “Waxa aan la yaabay qaabkii aad u doodayseen, afkaarta aad dhiibanayseen iyo aqoonta idinku jirtaa inta ay leeg tahay, ilayn soo aqoon ayaa isugu keen-dhiman haddii aanu hanay dadka waa weyn, oo iskama-ba warhayno.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cartan.

Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Waxa aan idinku boorinayaa arrintaa aad guda-gasheen ee la xidhiidha waddaniyadu waa wax ka dhiman bulshadeena ee aad u xoojiya oo wax weyn ka bedela.”

Xildhibaan Cartan waxa uu tibaaxay in dhalinyaradu xaq u lee yihiin inay 25 jira kaga qayb-galaan talada dalka oo aan da’ lagu xidhin sida qodobka dastuurka ee sheegaya inay 35 kaga qayb-geli karaan doorashada Golayaasha, isaga oo xusay in marka laga yimaado xuquuqda ay dhalinyaradu lawadaagaan muwaadiniinta kale ay leeyihiin xaq u gaara sida ku cad Qod. 15 aad ee dastuurka, sidaasi daraadeed ay waajib tahay in loo sameeyo fursado u saamaxaya inay door ka ciyaaraan arimaha dalka.

Waxa kale oo xildhibaanku xusay in dhallinyarta looga baahan yahay oo ay xaq u leeyihiin inay ka qayb-galaan dhamaan waxa khuseeya horumarinta aayahooda, “Dhallinyartu waa inay ku xisaabtamaan barnaamijyada ahmiyada u leh kana faa’iidaystaan sida ay dadkooda ugu baraarujin lahaayeen qiimaha wadanka hooyo leeyahay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cartan.

Ugu dambayntii masuuliyiintii Unugga Wadaniyada Somaliland ee halkaas ka hadashay, ayaa u mahad-celiyey dhamaan ka soo qaybgalayaasha dooda, iyaga oo sida oo kale mahad gaar ah u celiyey yaan Maxamuud Cashuur oo iyadu kaalin mugleh ka qaadatay qabsoomida doodan.