
Ku: Warbaahinta Somaliland & Somalia....Naanaystii Ahayd Siilaanyo Reeban Laga Bilaabo Maanta Oo La Sharciyey Title-ka Ah Madaxweyne.
Sharciga hab Maamuuska Hogaanka Qaran ee caalimiga ah, waxa uu dhigayaa Masuulka loo doorto Hogaanka Qaran, Sida Madaxweyne, Raisal-wasaare iyo Boqorada dhaxaltooyada ku yimaada Jagada Boqortooyo in aan la raacin seddexdooda magac waxa dhaafsiisan Title-kaa Qaran ee loo caleemasaaray.....Sida Madaxweyne ama Raisal-wasaare. Madaxda Islaamka waxa Masmuux ah oo loo ogolyey labada Title ee ah (Sheikh iyo Al-xaaji) Waxa reeban oo sharci daro ah in Maxweynaha Qaran Magaciis xaga hore iyo xaga danbe midna la raaciyo Magac Naanays ah iyo wax u eg.
Aniga oo ka duulaaya Qodobka-ka 42-tanaad Xubintiisa Shanaad ee Hab Maamuuska Hogaanka Qaran ee Caalamiga ah, waxa aan si sharaf leh ugu soo gudbinayaa Warbaahinta Gudaha & Debedaba iyo websites-ka Somaliland iyo Somalia in ay ka digtoonaadaan Isticmaalaaka Naanaysaha ee ku jahaysan Madaxda Qaran-ka.
By: Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist
sooldhuub@hotmail.com
