Marka hore Asalaamucalaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu .
Aniga oo jecel in aan fekerkayga ka dhiibto dawlada cusub ee yagleelka ah ee uu soo xushay Madaxwaynaha Cusub ee dhawaan xilka loo dhaariyey Mr Siilaanyo. Waxaa hubaal ah in waxyaalihii la sugayey ay cadaadeen
Ugu horayn dawlada lasoo dhisay waxay muujisay in ay cadaysatay cadalaad darro ka muuqata qaybsiga golaha wasiira
Dawlada cusub oo haba yaraata wasiirada kaga jira beesha ciise muuse heleen wasiiro yar .waxay muujinaysa in uu cadaystay madaxwayanah cusub wixii uu qarsanayey ee uu u hayey beesha ciise muuse ee gobolka Saaxil.
Hadaba aniga oo ah Mudan kasoo jeeda Gobolkaas islmarkaana ah aqoonyan oo fahmaya gobolkaas waxaa xukuumada cusub kula kacday waxaan soo jeedinaya taloobooyinka soo socda:
1: Ugu horayn: in Wasiirada la doortay ee yar ee kaga jira beesha ciise muuse ay iska casilayso dawlada cusub iyaga oo muujinaya garaadka iyo muhiimada qiimaha beeshu ay leedahay.
2: in cadaawada uu cadaystay madaxwayanaha cusub ee gobolka Saaxil gaar ahaan beesha degaankaas leh Ciise Muuse ay mucaarid ahaadan dawlada oo aanay wada shaqayn la galin
3: in waxgaradka iyo cuqaasha iyo inta talada beeshu ka go,do ay go,aan cad ka gaadhaan sidii ay uga arin san lahaayeen cadalad darrada ka timid qabsami la,aanta kuraasta wasiirada
4: in hadii madaxwayanaha cusub doonayo dalka lagu dhiso cadaalad iyo sinaan uu golahiisa wasiirada dib ugu noqdo
5: Dalka waxaa ka muuqda dal dalooyin farabadan oo awalba la sugayey imika qarka u saaran in uu kala jajabo oo beel beel ku noqdo
Waxaa ah wax laga xumaado oo ah ayaan darro in madaxwayanaha cusub oo sheegay in uu dadka si isku mid ah oo cadaalad ah wax ugu qaybinayo uu beeniyey hadalkaas: Suurto gal matahay in Ciise muuse oo dawladii hore ee ay ku jireen ka ah madaxwayne ilaa ku xigeen oo wasiiro ka badan la siin jiray kuwada hada lasiiyey ay maanta sidaas ku jiraan ?
Talada aan siinaya waxaa weeye Ciise Muuse waa in uu ka kacaa hurdada oo dadka wax la qaybsadaan hadii kale meel xun ayaad iska eegi doontaan. Laakiin waxaan ku faraxsanahay in ay jiraan rag badan oo aqoon yahan oo meel fog wax ka eegaya muujina doona garaadka iyo raganimada ay leeyihiin
Talo dawlada cusub: Hadii ay dhalatay dawlad cusub oo ay ku dhaqaaqdo cadaalad darro qaybsiga kuraasta wasiirada waxaa ay hor seedaysa kala carar, isfahan darro, colaad iyo wixii kala faquuqi laha dadka reer Somaliland ee leh cadawga faraha badan
Ugu danbayntii:
Dawlada cusub waxay u egtahay mid taag daran oo ay ka muuqato cadaawad iyo neceyb ay u hayso beelaha reer Somaliland siiba Gobolka Saaxil oo ay degaan qabiilka Ciise Muuse. Waxaase la arki doonaa wixii kasoo baxa bilaha iyo sanadaha soo socda halka xukuumada cusub wax gaadhsiiso
Somaliland Guul, Gobanimo weligaa
Qore: Eng Mubarak Omar /Political Analyst
