salama calaykum wa raxmatullahi wa barakaatu.. waxaan halkan ka salamayaa dhaamanba shacbi weynaha reer soomaliland iyo horumarka ay gadheen
doorashadii somaliland ee maalmihii ina soo dhaaftay ka dhacday dalka gudihiira ayaa waxaa ya kusoo gabagaboowday nabad iyo xasilooni
taasna waxaa keenay ilaahay iyo shacbi weynaha reer somaliland.
waxaa si farxad leh uga farxisay dhamaanba dadweynaha ku kala nool daafaha dunida, ee tageera jiritaanka somaliland
sida nabada leh ay ku dhamaatay doorashadii. gaar ahaan dadka qurbo jooga ah ee ka soo jeeda soamliland.
hadaba waxaan halkan hambalyo u ga dirayaa Madaxweynaha Cusub e somaliland e shanta sano ee soo socota xilka hayn doona hadii eebe idmo.
Mudane Axmed Mohamed Mahamud siilanyo iyo ku xigeenkiisa md saylici,
waxaanan leeyahay ilaahay ha idinka dhigo kuwiii dalkooda iyo dadkooba anfaca, kana taliya nabada.
waxaan leeyahay nin xil qaaday eed qaad, ilaahayna waxaan ka baryayaa in uu xilka idiin fududeeyo.
waxaa kalo oo isagu taariikhda galay maanta mudane daahir riyaale kaahin
oo dalka ka qabtay afar doorasho oo xor iyo xalaal na ah,
markii laga helayna si sharaf leh u haneeyey xilkii uu hayey. daahir riyaale maanta waxaa uu sharaf ka midan yahay shacabka somaliland isaga o ah madaxweynaha kalya ee aan isku dayin marnaba in uu wax isku dhex khaldo kuna shubto.
waxaa kale oo isna halkan ma amanayaa mudanahii kale ee eng faysal cali waraabe
oo isagu si sharaf leh u aaqbalay in laga helay doorashada isaga oo aan marnaba isku dayin in uu ka soo horjeedsado komiishankii doorashooyinka,
gabagabdabii waxaan leeyahay shacbiweynaha reer somaliland
GUUL AYAAD GADHEEN,
By:-
Mukhtargunga@hotmail.com
Mukhtar Ahmed Adan
