Hambaliyo Ku Socota Madaxweynah Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo
Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka La Doortay Md Cabdiraxman Cabdillahi Ismaciil Saylici






Hamabaliyo Hambaliyo Hambaliyo

Waxaan halkan ka hambalyaynayaa Madaxweynaha iyo madaweyne ku xigeenka cusub ee loo doortay Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo Md Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil (Saylici), Waxaa iyaguna sharaf iyo qadarin aan la soo koobi karin mudan dhamaan aadna aan u hambalyaynayaa shacabka reer Somaliland igaar ahaan taageerayaashii xisbiga KULMIYE iyo guud ahaan taageerayaashii kale ee doorashada ka qayb qaatay gutayna waajibkoodii muwaadinnimo.

Waxaynu qaadanay nidaamka dimuqraadiga ah ee muwaadinku waxna dooran karo isna la dooran karo., Inkasta oo shacabka Somaliland ay si nabad galyo leh u kala taageerayeen sedexda xisbi qaran una kala codeyeen xisbiyada hadana waxaa hubaal ah in intaba mid ka wayni jirto, ahna qaranimadeena iyo dawladnimadeenna oo la wada ilaashado, gacmahana dib la isu qabsado oo la isugu soo noqdo walaaltinimadii .

Shacabka Somaliland waxay maanta muujiyeen dimuqraadiyad aan hore looga baran dawladaha sedexaad gaar ahaan qaaradda africa oo madaweyne kastaaba xukunka xejisto illa uu ku dul dhimanayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Daahir Riyaale Kaahin sidii u ku sheegay war saxaafadedkisa wuxuu noqon doona madaxweyne taariikhda Africa meel wanaagsan ka gala laguna xasuusta raadkaaiyo dhaxalkaa fiican dimuqraadiyadda dalka uu uga tagayo.

Insha ALLAAHU guushaa doorashada ee sida nabadgalyada ah inoogu dhamaatay waxaa inoogu xigi doona Ictiraafkii dibloomasiyadeed oo hubaal aynu ku kasban doono guusha iyo degannaanshaha ka muuqda dalkeena.

Somaliland Ha Noolato

By:- Maxamud Caydiid Lafcanbe
Toronto, Canada