
Munaasibad balaadhan oo galabta Xaafada News Hargeysa ee Magaaalda hargeysa ayaa waxay Ay beesha Habaryoonis ay taageero laxaadleh umiijisey xisbiga kulmiye .
Xaflad Aad ubaaladhan oo galabta kadhacdey magaalada hargeysa oo ay aksoo qayb galeen masuuliyiin kalla duwan oo katirsan beesha habaryoonis oo ay hogaaminayeen Xildhibaan Dhugad oo katirsan golaha guurtida Somaliland Xildhibaano katirsan golaha wakiilada Somaliland,madaxdhaqameedyo,aqoonyahan,dhallinyaro iyo haween ayaa waxay dhamaantood maanta U moojiyey Iney Taageersanyihiin xisbiga kulmiye oo ay ucodeyn doonaa doorashada isha Allah…
Prof.C/salaan Yaasiin Oo Katirsan Aqoonyahanka Beesha Ayaa halkasi kahadley ayaa waxaa uusheegey In Loo Bahan yahey Isbedel Balaadhan Oo Kudhisan Waxqabad Iyo Cadaalad,
Waxaa uu Prof.Yasiin oo si qotodheer uu ugu Hadley taariikhda uu dalka soo marey iyo dadkii mujaahidiinta haa ee dalkani soo xoreeyey waxaanu sheeegey iney lagama maarmaantey in la xusoo mujaahidiintaasi oo uu kamid yahey murashaxa xisbiga kulmiye mudane axmed siilaanyo,muuse biixi,iyo maxamed kaahian oodhamaan kamid ah masuliyiinta sar sare ee xisbiga kulmiye waxaanau sheegey in loo baahan yahey in dalka laga cidhib tiro hadhaagii faqashta oo ah xukuumada uu maanta dalka katalisa ee uu madaxweynaha kayahey daahir riyaale kaahin waxaa ku nuuxnuuxsadey in sida kalliya ee lagu bedelli karaa oo kaliyaata ay tahey Cod….
Waxaanu hadalkiisa kusoo gabogabeeyey dardaaran u ujeediyey ummada Somaliland oo ah iney nabada ilaaliyaan si dalkani uu u hello mustaqbal fiican waxanau nasiib daro ku tilmaamey in mujaahidiintii dalkanu soo halhgamey layidhaahdo waa Xagjir waa wax caqliga fayoobi aanu qaadan karey waxaanu dadweynaha beesha ee taageeradooda u muujiyey xisbiga kulmiye kula dardaarmey iney maalinta 26juun oo 3maalmood inaga xigaan iney codkooda ku hubsadaan xisbiga kulmiye.
Waxaa Intaasi Ku Ladhey Oo uu yidhi{Waad ogeydeenoo dalka maraykanka doorasho ayaa kadhacdey oo waxa ay noqotey doorashadii ugu horeysey ee nin madaw lagu doorto Waxaanu Ninka Madaw Waa Obama e uu yidhi waxaan utaaganahey Isbedel,Waana Isbadelka aynu maanta ummada Somaliland hadii aynu nahey aynu utaaganahey,kulmiyena utaagan yahey waxayna hiigsaneynaa sidaasimareykanka weynan gaadhaynaa isha Allah…sidoo kale waxaa iyana doorasho kadhacdey dhawanaa dalka ingiriiska ninka layidhaahdo david Cameron oo ah raysal wasaaraha isbadelbeynu dooneynaabuu yidhi waagii uu ololaha kujirey isbadelkii sawmadhicin.. haa waa uu dhacey,inaga Somalilandna waxaynu ubaahanahey isbedelkaa waana in aynu bedelnaa Xukuumadan aan Waxba uqabanin dalkan,,
Waxaa sidoo Kalle Halkaasi kahadley Ambasador Yuusuf Jaamac Bulaale oo katirsan Aqoonyahanka Beesha waxaanu kawaramey oo uusheegey in muddo laga jjoogo 2 sanno mar uu joogey Caasimada itoobiya ee Adis Ababa uu maqlay waxaa lajoojiyey xoolihii taasi oo aana ad uganaxey sabata uu u joogsadeyna uu yahey maxjar, Maxjarkaasina waa ladhisi doonaa ,oo awalba waa ay socon jireen xooluhuye maxaa laga doontey maxjarka waan yaabey oo waxaad layaabey waxaan xoolihii bada marijirey loo joojiyey oo hadana jabuuti loog wareejiyey waxayna kamid tahey waxyabaha lagu xasuusan doona xukuumada waxqabadla,aanta ku can baxdey ,mid uunbaan idiin sheegayaa dalkani dhaqalahe Xoolaha nool aheyn muu laheyn markaa in xoolaha ooladhoofiyo la hurumriyaa waa muhiim,waxaa uu mudane yuusuf jaamac intaasi kudarey in mar ay wada sheekaysteen wasiirkatirsan xukuumada hada tallada haysaa uu yidhi{waxaan layaabey markii uu wasiirkii yidhi hadii la isku faanaayo oola odhanaayo shahadadeebaa laga qaatey jaamacada yaa yidhaahda madaxtinimada shahaadaba looma eego, side looga eegin,Ninka Dhaqaalaha ugasoo baxay jaamcado eesidiisaba yaqaana siyaasada wadan walba waxaa algu maamulaa waa dhaqaalaha,dhaqaalaheena koowaad waxaa uu ahaa xoolaha nool ninka siyaasiaya ee aan dhaqaalaha waxba ka garaneynina dal mamaali karo.
C/risaaq Sh.muuse oo isna hal;kaasi waxaa uu sheegey in dadka meesha iskugu yimid ay yihiin dhamaan dadkiibeesha ee xafiisyada xaafada oodhan ka fyrnaa ee kulmiye tageerayaashiisa ahaa waxaana maanta ayt haey maalinti ugu dambeysey ee ay makarafoon kawada hadalno fariinta maanta aan idnfarayaana waxay tahey in nabad galiyada aynu meel ugasoo wada jeedano oo aynu wada ilaashano dhamaanteenba,oo aynu ka ilalino cadawgeena iyo cidkasta oo waxyeelaysa.waxaa uu hadalkii kagabxay oo uu tageerayashii usheegey in mustaqbalkeena uu kulmiyo uu hayo islamarakaasi ay muhiim tahey in cokeena aynu ku hubsano astaanta xisbiga kulmiye.
Waxaa sidoo kale munaasibadani oo tageerada ay beesha habaryoonis u muujisey xisbiga kulmiye kahadley xildhibaan C/laaji ibraahim Xirsi{Dhugad}.
Waxaa uu ugu horeyn uu kahadley in maanta uu farxad weyn ay utahey in intaasi oo dad ah oo isku meel kaliyaata ah oo ah nimankii la lahaa dhabtooda ayuu ku hordaa Riyaale inta Ay Iska Celiyeen Ay Maanta Iskugu Soo Baxeen iney tageeraan Muarashaxa xibiga kulmiye Axmed siilaanyo iyo mujaahidiinta Snm ba.waxaa kale oo ii farxad ah maanta in dhamaan dadkeena oo fal la dhaxdhigey in ay maantidoobeen oo ay meel kaliyaata noqdeen taasina waa ii farxad iyo bushaaro.
Waxaa uusheegey in uuisgu ladagaalamey oo ka badiyey ina riyaal oo isku dayey in badan in uu beesha lacag iyo wax lamid uu kulla gorgoortama taasina aa kadiiday waxana hadaad tihiin dadkeykii aan idinka baahanahey inaad Calool adeyg latimaadaan sidaa anuuba ulla yimid oo aad maanta codkiina aad siisaan xisbiga Kulmiye.
Waxaa Kalle Oo Isna Halkaasi Kahadley Xildhibaan Saleebaan Bukhaari Waxaa uu Ugu horeyn Kawaramey inuu maanta uu ku faraxsan yahey inuu kazoo qayb gallo xafladan balaadhan ee maanta beeshii la odhan jirey riyaale ayaa dhabtooda ku hurda aymaanta cududoodii u muujiyeen oo ay iska kiciyeen bustii ay odhan jireen waa uu nagu hurdaa.oo ay u nidoobeen horumarka baladhan ee bulshada Somaliland,
Waxaa uu sheegey in uu kazoo olaleeyey ilaa gobolada bariga Somaliland oo maanta ay dadkii beeshu israaceen oo wixii la dhaxdhigey uu kabaxay oo ay midoobeen oo ay isla qaateen iney codkooda siiyaan xisbiga kulmiye oo ah ka kashaqeynaaya horumarka Somaliland.
Waxaa uu daweynaha kulla dardaamey in dhamaan inta uu warkeygu gaadhayo waxaan usheegayaa in dhamaan beeshii ay midoowdey oo ay ku nidoobeen inay xisbiga kulmiye oo wada horumarka somalilan ay dhisaan ,sida ay sheegeen mnasuuliyiiantii iga horeysaba waxaan idin kulla dardaarmayaa ioneynu codkeena siino xibiga kulmiye…
Waxaa sin a halkaasi jkahadley jaamac aadan maxamed {Ganaf cade }oo katirsan odayaasha beesha waxaanu sheegey in uu aa ugu mahadnaqaaya dhamaan dadweynaha beesha ee midoobey ee u mideebay horumarka beesha.
Waxaan kulla dardaamayaa dhamaan bulshada in maalinta doorashada oo aney dhanac kale marin oo ay codkooda siiyaan kulmiye….
Maxamuud Xaashi opo ktirsan masuuliyiinta xisbiga kulmiye ayaa isnahalkaasi kahadley waxaa uu ugu horeyn uu kahadley in dhamaan dadweynaha Somaliland ilaa sanaad ilaa saylac ay dhamaan toodyihiin kulmiye,
Waxaa uu intaasi kudarey in muhiim ay tahey in kulmiye uu isbadel uu diyaar u yahey maanta.
Waxaa kale oo uu dadweynaha somalialnd dhamaantood kulla dardaarmey in aynu codkeena ku garab galno musharaxiinta xisbiga kulmiye siilaanyo iyo saylici.
Waxaa munaasibadaasi soo gabogabeeyey gudoomiyaha xisbiga kulmiye ololaha doorashooyinka gobolka maroodijeex Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye {NacNac}..
Waxaa uu ugu horeyn uga mahadnaqay dhamaan bulshaweynta beesha sida balaadhan ee ay ugu so baxaeen xisbiga kulmiye waxaanu sheegey inuu kulmiye uu diyaar uyahey isbadel dhab oo dalkani uu horumar balaadhan uu gaadhsiiyo oo uu u horseedo mustaqbal aad u wanaagsan….
Waxaa uu intaasi kudarey in madaxweyne riyaal ku guuldareystay in markii uu la wadiiyey maxaad darajada usiin weydey ciidamada uu kujawaabay maxaan usiinayaa c/raxmaan tuur alla yarxama muusiine maninkaasi ayeynu wax kasugeynaninka dadkii xabaalahu ku cambareynaaya waa nasiib xumo in umad dhan madaxweynaheegii sidaasi uu ku hadlo..
Waxaa uu intaasi raaciyey in ay ingu soo food leedahey maalintii 26ka juun oo ah maalin dadweynaha Somaliland u ah maalin qaali ahw axaana lagama maarmaan ah in codkeena ku bedelno waxqabad iyo horumar aynu dalka gaadhsiino waxaana ilaahey karajeynaayaa ineynu doorashadaasi si nabad gelliyo ah ku galno …
Waxaa xafladihii gunaandka u ahaa Olalihii xisbiga kulmiye oo si xawli ah u kasbanaaya dhamaan quluubta shacbiga Somaliland……………..
By:-
Axmed Maxamed Shaqalle
Wariyaha Somaliland info
Hargeysa Somaliland
