Isbedel siyaasadeed ma loo baahanyahay?2 "dood"



Isbedel siyaasadeed ma loo baahanyahay?2 "dood" Salama calaykum wa raxmatullahi wabarakaatu. marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacbiweynaha reer somaliland iyo dhamaanba dadka afsoomaliga ku hadla .

ilahay ba mahad iska leh, alxamdulillah waxaa insha allah maalmaha soo socda fooda inagusoo haysa doorashadii madaxtoonyada, oo loo dareeridoono maalinta sabtida ah ,

Inta aanaan usoo gudbin dulucda maqaalkan oo aan kaga hadlayo doorashada iyo in loo baahan yahay isbedel siyaasadeed, waxaan halkan hambalyo iyo amaan uga soo jeedinayaa sadexda xisbi qaran UCID, UDUB , IYO KULMIYE oo si wanaagsan oo uu ixtiraam ku jiro u fuliyey ololahii doorashooyinka, waxaa kale oo aan hanbalyo u soo jeedinayaa dhaanba shacbi weyanah ku dhaqan soomaliland oo si fiican oo nabad galyo ah iyana uga qayb qaatay, ololaha.

Hadaba wax la is jiitaba Finally waxaa insha allah hadi ilaahay nafta inagu simo loo dareeri doonaa doorashada madaxtonyada Jamhuriyada Somaliland oo imika bilihii u danbeeyeyba aad looga dareemaayey dhamaanba daafaha dunida gude iyo dibadba , xamaasada doorashada, dadka oo u kala baxay qaar ka ololeeya wadanka dibadiisa, qaar ka ololeeya wadanka gudahiisa dhalinyaro badan oo iyana ayna u suurto gali ni ay ka qayb qaataan ayaa iyaguna aad uga ololeynaaya web-site yada iyaga oo soo qoraaya maqaalo kala duwan oo ay kaga hadlayaan taagerida xibiga ay rabaan in uu dalka xukumo 5 sano ee soo socota.

hadaba waxaa gobolada dalka ka socday olalahii doorashooyinka oo 23/6/2010 soo gabagaboobay,

Hadaba su'aasha aan idin weydiinaayo akhristayaal waxaa weeyan "Somaliland is bedel siyaasadeed ma u baahantahay??" jawaabtaas idinka aya la idinka sugaya.

hadaba inaga oo aragnay waxa ay inoo soo qabatay dowlada imika dalka ka talisa. ayaa waxa agtaagan laba xisbi qaran oo aynaan wali siyaasadooda arag inaga oo lakiin maqalnay waxa ay qaban doonan iyo qorshaha siyaasadoona hadii aynu eegno waxa uusoo qabtay madaxweynaha dalka imika ka taliya, waxaa uu xilal badan ka soo qabtay dowladii somali isaga oo marki ay burburtayna waxoo gaa kadin noqday madaxweyne ki xigeen, ka dib geeridii naxdinta lahayud ee ku timid madaxweynihii hore somaliland ayaa u xilka la wareegay kadib markaa ilaa haatan na isaga ayaa xilka haya wax qabadkiisuna ma xuma.

wuxuu inoo soo qabtay wax yaabo badan, runtii somaliland oo markaa uun curatayna waa uu wabtay maantana maansha allah halkaas ayaa aynu maraynaa, intii xukunka hayey waxaa uu dalka ka fuliyey sadex doorasho mudo yar dhexdeed sadexdaas oo ku dhamaaday nabad.

intaas óo kalyana ayaa ah wax weyn, markaasna inaga oo ana haysan hay'ado ina caawiya ayaa doroshooyinkaas ku dhameyney nabad, imika markii ay ina soo dhex galeen hay'adahii dorashooyinka sida IPS. ayaa uu dib u dhac badani imaaday, markaa imika alxamdulillah waynu ka soo gudubnay, waxaana loo dareeri doonaa doorasho hadii ilaahay yidhaa. waxaa ayna sugnaa waa natiijada ka soo baxda.

hadii aynu eegno laba nin ee kale la tartamaya waxaa weeye axmed siilaanyo iyo faysal cali waraabe. axmed siilaanyo waa ninruugcadaa mujaahid ah waana nin siyaasada inbadan kusoo jiray isaga oo xilal badan kasoo qabtay dowladihii hore somalia, isagoo burburkii kadib ku biiray uruii SNM ama aas aasay, waxaanu xubin ka noqday barlaanka somaliland waxaa kale uu qabtay xilka wasiirka maaliyada iyo wasiirka qorshaynta kadibna la casiley. 2002 na waxaa uu ku dhawaaqay gudoomiye na ka noqday xisbiga kulmiye.

faysal cali waraabe, waa aqoonyahan, waana siyaasi ka yar laba nin ee kale ee uu kursiga kula tartamaayo, waxaa uu shaqooyin ka soo qabtay dowladii somalia ee dhacday isagaa oo ahaa agaasimaha waaxda qorsheynta ee hawlaha guud waxaa uunoqday madaxii engenneerada ee dowlada hoose ee muqsisho. waxaana uu ka baxay jamacad ku taala ruushaka. waxaa uu xisbiga aasaasay 2001 xisbiga ucid markaas uu ahaa musharaxii madaxweyanaha , lagana guleystay. hadaba waxaan leeyahay dhaamnba shacbiweynaha reer somaliland codkiina ku ciilbaxa , una daneeya dalka diinta iyo dadka.
wa bilaahi towfiiq
Mukhtar Ahmed Adan
mukhtargunga@hotmail.com