

Ayaamihii ka horeeyey 26-kii June, 2010 oo ahayd maalintii ay dadku u dareereen cod-bixinta doorashada Madaxtooyada Somaliland ayaa hogaamiyayaasha iyo hawl-wadeenada iyo weliba taageerayaasha xisbiyada siyaasaddu waxay ku mashquulsanaayeen ololayaal ay ku raadinayaan taageero dadweyne, iyadoo dhawrkii maalmood ee ka horeeyey maalinta cod-bixinta ay dadka magaalooyinka ku dhaqani habeen iyo maalin ka seexan waayeen durbaanka iyo sawaxanka xisbiyada, laakiin markii ay doorashadu dhacday xaaladdu way is bedeshay, iyadoo halkii qaylada iyo sawaxanka lagu bedelay faq iyo xanshaashaq.
Sida la ogyahay 3 xisbi siyaasadeed ayaa u saftay doorashada Madaxtoyada Somaliland oo maalintii sabtidii looga codeeyey gobolada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo kala ah KULMIYE,UDUB iyo UCID.
Sida uu dhigayo xeerka doorashadu lix maalmood ka dib ayaa lagu dhawaaqayaa natiijada dambaysta ee cod-bixinta, laakiin hadda waxa socota tirintii codadka goobaha qaarkood, sidaa darteed dadku waxay dhammaantood u dhegtaagayaan waxa ka soo bixi doona natiijada cod-bixinta.
Inkasta oo uu xanshaashaqa hoose aad u badan yahay oo ay jiraan hadaaqyo ka oo baxaya goobaha qaarkood marka la tiriyo ka dib, taas oo la leeyahay goob hebla Xisbi hebel baa u codad batay, hadana taasi ma aha wax lagu saadaal qaadan karo, sidaa awgeed arintu weli waa gacan uurku jirta, waxayna xisbiyada iyo taageerayaashiisu is leeyihiin "Tolow maxaa ka soo bixi doona". Laakiin nimanka uu karka ugu weyni ku taagan yahay waxa weeye hogaamiyayaasha xisbiyada siyaasadda, kuwaas oo hoosta kaga hadaaqaya ‘Salaamaad, tolow maxaa soo yeedhi doona", lagana yaabo inuu wadnahoodu aad u garaacayo, maskaxdooduna aad u shaqaynayso.
Hadii aad hogaamiyayaasha Xisbiyada waydiiso bal waxa uu ka filayo natiijada codadkii doorashada, waxa uu ku tusayaa dareen yididiilo leh, isaga oo ku odhanaya "Anagu waxaanu filaynaa natiijo wanaagsan". Laakiin taasi waa malo-awaal uu nafta ugu caqli celinayo ee ma aha xaqiiq kama dambays ah Inta badan madaxda xisbiyadu waxay dhegta ku hayaan telefoono ay dirayaan ama loo soo diray, waxayna ku mashquulsan yihiin sidii ay ula socon lahaayeen wararka iyo hawlaha doorashada, sidoo kalena waxay had iyo goor ku jiraan shirar, iyaga oo ka tashanaya ama iska waraysanaya halka xaal marayo iyo had-ba wixii ku wixii ku soo kordhay.
Arimuhu sida ay doonaan ha ahaadeene waa laga yaabaa inay xisbiyada qaarkood niyadda ugu sheekaynayaan waxoogaa yididiilo ah, laakiin taasi ma aha mid ay ku ledayaan, sidaa darteed fooshu way ku taagnaanaysaa ilaa ay guddiga doorashooyinku ku dhawaaqaan natiijada dambaysta ah.
By:-
Mohamed Abdi Jama
E-mail:mabdi1@live.nl
