
Allaah, Subxaanahu Watacaala wuxuu yidhi:
“ Kuwa xaqa rumeeyoow waxaa laydinku waajibiyay Soonka sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horreeyey si aad u dhawrsataan (aad xumaha ka joogtaan).
' Waa Maalmo tirsan ee ruuxii idinka mid ah oo buka ama Safar ah waxaa korkiisa ah ayaamo kale (soonkood) kuwa uu dhibina waxay bixin Miskiin, ruuxii badsada (Khayrkana) saasaa u ficiin, inaad Soontaan yaana idiin khayrbadan hadaad tihiin kuwo wax og.
' Waa bisha Soon ee la soo dajiyey dhexdiisa Qur;aanka isagoo hanuun Dadka u ah, iyo caddayn hanuun iyo kala bixin xaqa iyo baadilka, ee ruuxii jooga (nagi) ha Soomo, ruuxiise buka ama Safar ah waxaa saran maalmo kale, wuxuu idinla dooni Alle fudayd ee idin lama doonayo culays, waana inaad dhamaystirtaan tirada waynaysaanna Allaah wuxuu idinku hanuuniyey, waxaadna u dhawdihiin, ood mudan tihiin inaad mahadisaan Allaah.
1214. Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yidhi: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yidhi: Allaah, kor ahaaye wuxuu yidhi: aadanuhu camalladiisa kale oo idil isagaa leh soonkiisa ma’ahee, kaasi anigaa leh oo anigaa abaalkiisa gudi doona. Soonku waa gaashaan la isaga gudbo xumaan falidda iyo Naarta. Sidaa awgeed markii uu midkiin sooman yahay waa inuu iska hayaa oo ka joogaa af xumo oo ka fogaadaa laqwi ku hadlid iyo hadal xun uu qof dhaafsado. Hadii uu qof la dagaalamo ama caayana ha yidhaahdo anigu waan soomanahay. ‘ Waa igu Alle ay nafta Muxammad ku jirto Gacantiisa neefta afka qofka soomman Alle agti waa ka udgoon tahay miskiga caraftiisa.’ Qofka soommani wuxuu la kulmaa laba farxadood, tan hore waa farxaa markii uu afuraayo, tan labaadna waa uu ku farxi doonaa ajarka soonkiisa, markii uu la kulmo Rabbigiis (Allaah). (Bukhaari iyo Muslim)
Tani waa werintii Bukhaari.
Werin kale oo Bukhaari baa waxay intaa raacineysaa: Alle wuxuu yidhi: ‘ qofka soommani wuxuu uga tagaa cunid, cabbid iyo hawoodkiisaba (aniga Allaah) dartey, marka anigaa soonka iska leh aniga baana ka abaal gudi doona. Camallada kale ee wanaagsan (ee la falaa bisha Rammadaan ama bilaha kale) halkii ajar waa la toban laabaa.
Werinkta Imaam Muslim waxay leedahay: Qofka camalladiisa wanaagsan waa loo laalaaba wax badan oo halkii samaan waa toban lab ilaa toddoba boqol lab. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: ‘Laakiinse kuma jiro soonka, maxaa yeelay waa cibaado ii barax tiran oo loo falaa dartey ( macnaha waa ma laha xad abaal gudka iyo ajarka soonka) Aniga, Keliya, baa ka abaal gudi doona. (Qofka soomman) wuxuu uga tagaa cunid, cabid iyo hawood dartey Aniga (Allaah). Qofka soommani waxaa u sugnaaday laba farxadood, midda hore waa farxad markii uu afurayo midda labaadna waa farxad kale markii uu la kulmo Rabbigiis (Allaah). Neefta afkiisuna ka udgoon Aragtida Alle udgoonka miskiga.’ (Muslim)
1215 Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yidhi: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘Qofkii u bixiya laba joogood ee wax uun ah Alle dartii, waxaa looga yeedhi doonaa iridaha Jannada: Addonkii Alloow, albaab kan baa kuu roon. Qofkii reero salaadeed ahaa waxaa looga yeedhi doonaa irridka Salaadda, qolooyinkaa ugu heeganaa Jihaadka dar Alle, waxaa looga yeeri doonaa irridka Jihaadka, qofkii reera soon ahaana waxaa looga yeedhi doonaa irridka Rayaan (harraad baxa), qofkii reero sadaqo ahaana waxaa looga yeedhi doonaa (inuu ka galo Jannada) irridka Sadaqada. Abuu Bakar (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuul Alloow, kugu furtay aabbahay iyo hooyadeeye, qofkii irridahaas looga yeeraayo ma jiraan wax lama huraan ah oo laga rabo, qof irridahaas oo dhan looga wada yeedhaayo ma jiraa? Nebigu S.C.W. wuxuu ku jawaabay: Waa jiraa, waxaana rajeynayaa inaad adiga (Abuubakari) ahaan doonto mid ka mida. ‘
(Bukhaari iyo Muslim).
1216. Sahal bin Sacad (A.K.R) wuxuu yidhi: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu yidhi: ‘ Waxaa jira Jannada gudaheeda irrid la yiraahdo Ar-Rayaan oo ehlu soonkii oo keliya geli doonaan Maalinta Qiyaame, qof kalena uusan ka gelin; waxaa la odhan doonaa: ‘ Meeye ehlu soonkii? Waa soo kici doonaan, cidina ma geli doonto iyaga maahaane. Markii ay galaan, irridkaa waa la xidhi doonaa, cid kalena ma geli doonto iyaga dabadood. (Bukhaari iyo Muslim)
1217. Abuu Saciid al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yidhi: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yidhi: ‘ Qofka Muslimka ahi markii uu u soomo hal maalin dar Alle, Alle wuxuu ka fogeeyaa Naarta masaafo toddobaatan sano loo socdo. (Bukhaari iyo Muslim)
1218. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yidhi: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu yidhi: ‘ Qofkii u sooma bisha Ramadaan iimaan qab iyo ajar dalab, waa laga dhaafi doonaa dembiyadii horey uga dhacay (aan ka baa’irta aheyn. (Bukhaari iyo Muslim)
1219. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yidhi: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu yidhi: ‘ Markii ay bisha Ramadaan soo gasho iridaha Jannada waa la furaa, iridaha Naartana waa la xidhaa, Shayddaammadana waa la xidhaa. Bukhaari iyo Muslim)
1220. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yidhi: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu yidhi: ‘ Ku sooma aragtida bil dhalatay ee Ramadaan oo ku afura aragtida bisha Shawaal (soon fur), haddii bila qaris ay noqotana buuxiya soddonka Shacbaan (Soon dheere)
(Bukhaari iyo Muslim)
Werin kale oo Imaam Muslim werinaayo waxay intaa ku dareysaa: Sidaa si la mid ah, haddii bil qaris ay nqoto (daruuro awgeed) dhamaadka bisha Ramadaan, markaa buuxiya soonka (soon qaad) 30 maalmood.
FADLIGA SALAADDA TARAAWIIXDA EE LA TUKADADO BISHA RAMADAAN
1186. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yidhi: ‘ Nebigu (S.C.W) wuxuu yidh: “ Qofkii u kaca inuu tukado salad taraawiix bisha Ramadaan, Imaan qab iyo ajar dalab dartood, waa loo dhaafaa wixii dambiyo (yar yar) horey uga dhacay.
(Bukhaari iyo Muslim)
1187. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yidhi: ‘ Nebigu (S.C.W.) waa ku guubaabin jirey dadka inay tukadaan Taraawiixda Bisha Ranmadaan, isagoo aan dadka ku adkeyneyn, ( si aan looga dhigin salad faral ah), wuxuu yidhi: Qofkii u kaca salaad Taraawiix Bisha Ramadaan isagoo iimaan qab iyo ajar dalab dartood, waa loo dhaafi doonaa wixii dembiyo (yar yar ) horey uga dhacay). (Muslim)
Fiiro Gaar ah:
Fadliga iyo ahmiyadda salaadda taraawiixda ee la tukado bisha Ramadaan, waxay ku sugan yihiin axaadiista iyo falalka Nebiga S.C.W. laakiinse intii uu noolaa Nebiga S.C.W. lama adkeyn. Si ayan u noqon salaad faral ah. Laakiin markii uu dhintay Nebigu S.C.W. kaddib oo ay suushay baqdintii in faral laga dhigo. Cumar al-Faaruuq (Cumar bin Khaddaab) oo ay ku raaceen asxaabtii Nebiga baa u soo bandhigay salaad taraawiix ah ahaan oo sunno ah jamaaco ahaan loo wada tukado.
*********************
FADLIGA SUXUURASHADA SAACADAHA UGU DAMBEEYA EE HABEENKA (INTA RAMADAANKA LAGU JIRO) HADII AAN LAGA BAQEYN WAA BERIGA
1228. Anas A.K.R. wuxuu yidhi: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu yidhi: ‘ Suxuurta, maxaa yeelay waxaa ku jirta barako suxuurta.’ (Bukhaari iyo Muslim)
1229. Zayd bin Saabit A.K.R. wuxuu yidhi: Mar intaan Nebiga (S.C.W.) la suxuurannay waaberiga ka hor (iyadoo bil Ramadaan Soon lagu jiro) baanu dabadeed salaaddii subax u kacnay. Waxaa la weydiiyey Nebiga (S.C.W.) intii u dhexaysey labadaa suxuurta iyo salaadda? Wuxuu yiri: ilaa intii laga akhriyo konton Aayadood oo Qur’aanka ka mid ah. (Bukhaari iyo Muslim)
1230. Ibn Cumar A.K.R. wuxuu sheegay in Nebigu (S.C.W.) uu lahaa laba Mu’addin oo kala ahaa Bilaal A.K.R. iyo Ibn Umm Maktuum A.K.R. Nebigu (S.C.W.) wuxuu yidhi: ‘ Bilaal A.K.R. wuxuu adimaa goor hore iyadoo weli habeenimo ah. Sidaa awgeed iska cuna oo iska cabba ilaa uu Umm Maktuum (A.K.R.) addimo. Wuxuu yidhi: Waxay ahayd xaqiiqdii waqti yar intii u dhaxeysey labadaa markii mid soo degey oo kan kale fuulay sarta sare. (Bukhaari iyo Muslim)
1231. Cumar bin al-Caas A.K.R. wuxuu yidhi: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yidhi: ‘ Waxaa keliya uu kaga soocan yahay ama farqi ah u dhexeeya soonkeenna iyo soonka ehlu-Kitaabka waa Suxuurta, (Waxaa loo la jeedaa Kiristaanka iyo Yuhuuda ee aan suxuuran). (Muslim)
************
FADLIGA SALAADAHA INTA LAGU JIRO HABEENNADA BARAKEYSAN AY KU DHEX JIRTO LAYLATUL-QADARKA (HABEENKA QADARKA) IYO KHERK FILASHADA HEBEENNADAA IYO HABEENNADA LA FILAYO INAY KU JIRTO
Allaah, Subxaanahu wa tacaalaa, wuxuu yidhi:
“ Xaqiiqdii, Waxaan soo dejinnay Qur’aanka habeenka Qadarka (97:1)
Wuxuu kaloo Allaah SWT yidhi:
' Xaqiiqdii, Waxaan soo dejinnay Qur’aanka habeen barakaysan (Habeenka Qadarka). (44:3)
1188. Abuu Hureyrah A.K.R. wuxuu yidhi: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yidhi: ‘ Qofkii u kaca inuu tukado salaado Nafaal ah (Sunno-Taraawiix iyo tahajuud) habeenka Laylatul-Qadarka Iimaan qab iyo ajar dalab dartood, waa laga dhaafi doonaa wixii dembiyo (yar yar) hore uga dhacay). (Bukhaari iyo Muslim)
1189. Ibn Cumar A.K.R wuxuu yidhi: ‘ Rag ka mida asxaabtii Nebiga (S.C.W.) baa waxaa lagu tusay Laylatul-qadarka inay ku jirto toddobada habeen ee u dambeysa bisha Ramadaan riyo Markaasuu Nebigu S.C.W. yidhi: ‘ Riyooyinkiina waxay sugeen ku jiridda leylatul Qadarka toddobada habeenood ee u dambeysa (bisha Ramadaan), Sidaa awgeed qofkii raadsha Habeenka Qadarka waa inuu ka doono toddobada habeen ee u dambeeysa bisha Ramadaan). (Bukhaari iyo Muslim)
1190. Caa’isha A.K.R. waxay tidhi: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu si gaar ah ugu dadaali jirey isagoo ku ictikaafi jirey masjidka tobanka maalmood ee u dambeeya bisha Ramadaan, wuxuuna yidhi: ‘ Ka raadsha oo ka doon-doona Laylatul Qadarka tobanka habeen ee u dambeeya bisha Ramadaan. (Bukhaari iyo Muslim).
1191. Caa’isha A.K.R. waxay tidhi: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Ka raadsha oo ka doon-doona Laylatul-Qadarka tirade isdheer (waa 21aad, 23aad, 25aad, 27aad, 29aad,). Ee tobanka habeen ee u dambeeya bisha Ramadaan. (Bukhaari).
1192. Caa’isha A.K.R. waxay sheegtay in markii tobanka maalmood ee ugu dambeeya bisha Ramadaan billowdaan, Nebigu (S.C.W.) uu habeenka oo idil soo jeedi jirey oo sidoo kale toosin jirey reerkiisa, guntiga buuna giigsan jirey macnaha waxaa weeye wuxuu aad ugu dadaali jirey cibaadada iyo inuu u tukadaa Allaah. (Bukhaari iyo Muslim).
1193. Caa’isha A.K.R. waxay tidhi: Nebigu (S.C.W.) wuxuu ugu dadaali jirey (Cibaadada) bisha Ramadaan si ka badan bilaha kale, wuxuuna ugu dadaali jirey cibaadada iyo salaadaha tobanka maalmood ee ugu dambeeya bisha Ramadaan si ka badan sidii uu ugu dadaalay labaatanka maalmood ee hore Bisha Ramadaan. (Muslim)
1194. Caa’isha A.K.R. waxay sheegtay inay weydiisey Nebiga S.C.W. Rasuul Alloow , haddii aan garto oo la kulmo habeenka Laylatul-Qadarka maxaan idhaahdaa oo ku duceystaa habeenkaa? Nebigu S.C.W. wuxuu yidhi: ‘ Dheh: Allaahumma in-naka Cafuwun tuxibbul cafwa facfu cannii.’ Oo mecnaheedu yahay: ’Alloow Adiga baa wax cafiya oo jecel wax cafiyidda ee iska kay cafi.’ (Tirmidi oo yiri waa xadiis, saxiix ah).
*********
FADLIGA AFUR DEDEJINTA IYO WAXAA FIICAN IN LAGU AFURO IYO WAXAA LAGU DUCEYSTO AFURKA KADDIB
1232. Sahal bin Sacad A.K.R. wuxuu yidhi: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yidhi: ‘ Muslimiintu waxay ku sugnaan doonaan jidka toosan inta ay dedejinayaan afurka (ay afurayaan durbadiiba kaddib markii ay qorraxdu dhacdo oo afurka kaddib salaadda la galo).
(Bukhaari iyo Muslim)
1233. Abuu Caddiya (A.K.R.) wuxuu yidhi: ‘ Aniga iyo Masruuq baa aadnay si aan u soo booqanno Caa’isha A.K.R. Masruuq baa wuxuu ku yidhi: ‘ Waxaa jira laba nin oo asxaabtii Nebiga ah labaduba kama gaabiyaan inay kasbadaan khayr iyo samaan: laakiinse midkood wuxuu dedejiyaa afurka iyo oogidda salaadda Maqrib, midka kalena labadaba waa daahiyaa? Caa’isha A.K.R. waxay weydiisey: Waa kee midka dedejiya afuridda iyo oogidda salaadda Maqrib? Wuxuu ku jawaabay: Cabdullaah ibn Mascuud. Waxay tidhi: Nebiguba (S.C.W.) wuxuu yeelay sidaas oo kale. (Muslim)
1234. Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yidhi: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu yidhi: ‘ Allaah Cazza Wajalla wuxuu yidhi: ‘ Addoommadayda waxaaan ugu jeclahay midka dedejiya afuridiisa. ‘ (Tiridi oo yidhi: waa xadiis xasan ah).
Sh. Al-Baani wuxuu yidhi xadiiskan senedkiisu waa daciif.
1235. Cumar bin Khaddaab A.K.R. wuxuu yidhi: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yidhi: ‘ Habeenku markuu halkaas ka yimaado (Bari), maalintuna halkaas ka sii socoto (Bugux), Qorraxduna dhacdo, markaas qofkii soomanaa waa inuu afuraa.’
Bukhaari iyo Muslim)
1236. Abuu Ibraahim Cabdullaah bin Abii Awfaa (A.K.R.) wuxuu yidhi: ‘ Mar waxaanu kula jirnay Nebiga S.C.W. safar, wuuna soomanaa, markii ay qorraxdii dhacday, wuxuu S.C.W. ku yidhi raggii nin ka mida: ‘ Hebaloow, fadlan deg oo noo diyaari shurabadda. Ninkii baa yidhi: Rasuul Alloow ! xoogaa iftiinka Shucaaca ha qarsoomo, gabalkuna ha madoobaado. Nebigu S.C.W. wuxuu ku celiyey: Deg oo noo diyaari shurbadda. Ninkii wuxuu yiri: Waxaa jira iftiinkii maalinta. Nebigu S.C.W. wuxuu yiri: deg oo noo diyaari shurbadda. Cabdullaah bin Abii Awfaa wuxuu yidhi: Ninkii waa degay oo noo diyaariyey shurbad. Nebigu (S.C.W.) intuu cabbay buu isagoo tilmaamaya xagga bariga yidhi: ‘ Markii aad aragtaan habeenkii oo halkaas ka yimid (Bari) qofka soommani waa inuu afuraa.’ (Bukhaari iyo Muslim)
1237. Salmaan bin Caamir ad-Dabay as-Saxaabi A.K.R. wuxuu yidhi: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu yidhi: ‘ Qofku markii uu afuraayo waa inuu ju afuraa timir. Haddii uusan helin ha ku afuro biyo, maxaa yeelay waa daahir waxna daahiriya.’ (Abuu Daawuud iyo Tirmidi oo yiri waa xadiis, xasan saxiix ah)
1238. Anas A.K.R. wuxuu yidhi: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu ku afuri jirey intuusan tukan salaadda Maqrib xabbado timir busur ah, haddii uu helin xabbado timir ah oo qallalan, haddii uu iyana sidoo kale helin oo ayan timir engeg ah ool, wuxuu S.C.W. cabbi jirey dhowr kabob oo biyo ah.
(Abuu Daawuud iyo Tirmidi oo yidhi waa xadiis, xasan ah)
************
Hoyga Barashada Diinta Islaamka
www.alimuse.com

|